"Daboolkii Saarnaa Aqoonsiga Somaliland oo Laga Qaaday! "Faallo: Xuseen Cali Nuur.

0
Wednesday January 19, 2022 - 17:09:03 in Faalooyin by Waaberi News
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Daboolkii Saarnaa Aqoonsiga Somaliland oo Laga Qaaday! "Faallo: Xuseen Cali Nuur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


 
Dood muddo saacad ah qaadatay oo ku saabsan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu qabtay baarlamaanka Ingiriiska. Mudanayaal badan ayaa ka hadlay xidhiidhka Taariikhiga ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrintan aqoonsiga Somaliland ahmiyadda ay u leedahay labada dal, Maraykanka, Qaaradda Yurub iyo Gaashaan buurta NATO.


Mudane Gavin Williamson oo ah xildhibaanka dooddan miiska keenay, waxa uu ka hadlay xornimadii lixdankii Ingiriiska laga qaatay, is-raacii Somaliya, 30-kii sanno ee is-raaca dhibaatadii iyo gumaadkii shacabka Somaliland ka soo gaadhay.

Wuxuu sheegay halgan hubaysan ka bacdi iyo xornimadii lala soo noqday 30 sannadood ka hor. Waxay Somaliland mar labaad xuduudadeeda ay ku sugtay kuwa ay la leedahay dalalka Itoobiya, Jabouti iyo Soomaliya oo ay Ingiriiska, Faransiiska iyo Itoobiya heshiisyo kala duwan hore uga lahaayeen, Midowga Afrikana 1964 shirkii madaxwaynayaasha ee Qaahira ku aqoonsaday.

Mudanuhu wuxuu xildhibaannada u sheegay in Somaliland afti shacabkeeeda ka qaaday, gooni isku taaga iyo xornimadoodana ay ku caddeeyeen. Waxa uu intaasi raaciyey, ahmiyadda istaraatajiyadeed ee Somaliland u leedahay Maraykanka, dalalka Yurub iyo NATO xilli uu Shiinuhu ku fidayo meelaha hadba uu firaaqada ka helo.

Xaaladda Nabadgalyo la’aan, dagaal iyo degenaashiyo la’aanta ka jirta Soomaaliya iyo xaaladda Itoobiya iyo Jabuutiba ku sugan yihiin waxay Somaliland kaga badbaaday ku dhaqanka dimuqraadiyadda.

Xildhibaanno badan oo baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan ayaa muujiyey in qaddiyadda Somaliland ay tahay mid sax ah. Mudane Williamson, wuxuu xafiiska arrimaha dibada, barwaaqo sooranka iyo horumarinta dalka Ingiriiska xasuusiyey inay gar tahay in dalalka reer galbeedka, gaar ahaanna dalka Ingiriiska looga baahan yahay inay noqdaan dalalka ugu horeeya ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland la soo noqoshada xornimadeeda.

Arrinta ku saabsan ee lagu xidho dalalka Afrika iyo Soomaaliya wuxuu Wasiirka Arrimaha Yurub u qaabilsan dawlada Ingiriiska loogu jawaabay in aanay ahayn mid sharci ah.

Waxaanay xasuusiyeen dagaalkii dhexmaray Paakistaan iyo Bangaladesh, markuu dhammaaday in aan xukuumadda Ingiriisku Ictiraafka Bangaladesh aanay ku xidhi dalalka dariska la ah. Waxaana Wasiirka loo sheegay inaanay Soomaaliya codka Fiito ama diidmada qayaxan ku lahayn Golaha Ammaanka.

Mudanayaasha saaxiibka la ah Somaliland waxay sheegeen in maalgalinta DP World iyo Ingiriiska oo boqolaal milyan gaadhaysa ee Jamhuuriyadda Somaliland ka wadaan inay suurto gal ka tahay in laga fuliyo dalka Soomaaliya iyo in kale.Wuxuuna ugu jawaabay MAYA.

Mar la waydiiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay buuxisay shuruudaha ku xidhan qaran madaxbannan, wuu ka gaabsaay inuu ka jawaabo. Wuxuuna yidhi; "Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Afrika ayaa haatan ku maqan Afrika,waxaanan filayaa in muddo bil gudeheed la idin kala soo xidhiidhi doono arrintaas”

Mudanayaasha Baarlamaanka waxay ka hadleen shacbiga reer Somaliland in muddadii ay socdeen labada dagaal wayne ee adduunyadu, ay naftooda u hureen sidii dalka Ingiriiska loo bad baadin lahaa.

Waxay qireen in Jamhuuriyadda Somaliland dimuqraadiyada, sinnaanta, nabadda, qaab dawladeedka iyo sida asxaabta kala duwani ay doorasho si nabadgalyo ah ula kala wareegeen. Waxaanay tusaale ahaan u soo qaateen doorashadii madaxwaynenimo ee 80-ka cod loogula kala wareegay ee ka dhacday Somaliland sannadkii 2003-dii.

Mudane Williamson kulankaa wuxuu ku xasuusiyey dawladda Ingiriiska inay illowdo diidmadii 1960-kii markay Somaliland xornimada qaadatay, ku diiday inay ka mid ahaato barwaaqo sooranka. Wuxuuna u sheegay maanta in Somaliland oo Ingiriiska xidhiidh wanaagsan la lihi ay suurtogal tahay inay barwaaqo sooranka ku biirto.

Wasiirka arrimaha Yurub u qaabilsan UK Mr. Chris wuxuu ka hadlay taariikhda labada dal ka dhaxaysa. wuxuuna ku tilmaamay shacbiga Somaliland dad la yaab leh oo naadir ah, dalkooda jecel, wax wayn qabsaday, xidhiidh la lahaa Ingiriiska laga bilaabo qarnigii 19aad.

Maantana labada dal xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo, xafiisyo ku kala leeyihiin labada dal, kana dhexeeyo xidhiidh ganacsi, maalgashi iyo wax wada qabsi ku saabsan horumarka iyo cimilada.

Hase ahaatee, wuxuu yidhi Somaliland waxay mudnaanta koowaad siinaysaa aqoonsi si ay u hesho. Ku dhaqankeeda dimuqraadiyadeed iyo degenaashiyo waa mid aad u sareeya. Wuxuuse tilmaamay inay indhaha ku hayaan doorashooyinka madaxwaynaha iyo guurtida oo ahmiyad wayn dalka Ingiriisku siinayo.

Dooda Baarlamaanka Ingiriiska ee ku saabsan qaddiyadda Somaliland maaha mid wakhtigan la joogo laga sugayey inay ku dhawaaqaan aqoonsi. Waxayse ahayd mid mudanayaasha loo soo bandhigayo xaaladda dhabta ah ee la iskaga indho-tirayo aqoonsigeena.

Waxa kale oo ay ahayd mid xukuumadda Ingiriiska lagu xasuusinayo waxay Somaliland u qabatay Ingiriiska, ahmiyadda Istaratajiyadeed ee ay maanta leedahay iyo in la soo noqoshada xornimo ee Somaliland aanay ugu horeyn Afrika,balse ay uga horeeyeen Gambiya iyo Senegal oo ay dalalka maanta ka meeraysanayaa aqoonsigeenu, Aqoonsadeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip