
Jidkii cusbaa ee uu Cabdikarim Mooge u maray xilka uu maanta hayo.
Cabdikariin Axmed Mooge jidkii uu usoo maray xilka uu
maanta hayo oo ahaa mid ka duwan jidadka Soomaalidu u maraan waxa ay
ahayd in la falanqeeyo in badan, in buugaag laga qoro, in daraasado laga
diyaariyo inta aanu mar kale xidhmin.
Wax mucjiso ah ma ahayn, awood ka baxsan inta la
yaqaanana ma uu adeegsan. kaliya waxa uu ka leexday dhabbadii qardajeexa
ahayd, qarfaha ahayd, qodxaha badnayd ee qaladka ahayd.
Waxa uu ka leexday dhabbadii keliya ee Soomaali mari
jirtay, maritaankeeda la eedi jiray, balse aan waxba la iska waydiin
jirin dhibka lagu qabo iyo in dhabbo kale jirto.
Waxa uu kursiga usoo maray dariiqii toolmoonaa ee isaga oo innoo dhow aynaan arki jirin.
Waa dariiqa maristiisa la mahadiyo.
Maal kagama bixin odayaal, maal iyo nabar kama tegin isna masoo gaadhin oo muu noqon laaluushe iibsada kalsoonida.
Simply waxa uu dadka u sheegay wax aan loo sheegi jirin oo ah sida saxda ah.
Dadku waa gob. wixii loo sheego uunbay ku dedaalaan. tii
hore ee qaldanayd way ku dedaali jireen, waayo waxa kaliya ee la baray
ayay ahayd , midda mooge u sheegayna markay maqleen way garteen in ay
kasii fiicantahay.
Mihiimaddu maaha mooge iyo in aan idiin ammaanayo, waa
in jidkaas aan halkaas lagu illaabin oo aan la marin halkii cagtu innaga
baratay.
Waxa muddo kooban uu ku jebiyay derbi boqollaal sanno soo dhismayay, ilaa haddana dhismihiisu socday oo ahaa derbi madaw.
Mar hadduu furay albaabkaa adag, yaanu xidhmin oo ha la
helo ragga hanka leh siiba dhalinyarada jidkaa dhagaxa kasii gura oo
daamur dhiga.
Wabillaahi tawdiiq.
Sadiiq Burmad
Jidkii cusbaa ee uu Cabdikarim Mooge u maray xilka uu maanta hayo.