
Fariin Ku Socota Dadka Jamhuuriyada Somaliland.
Walaalayaal miyeynaan baranayn ama wax inooga kordhayn waxii soddon sanadood la inoo sheegayey iyo beenta umada lagu haysto oo ah;
Siyaasigu laba goor buu dadka la hadlaa oo kala duwan , qaabka uu ula hadlaana wuu kala duwan yahay waxaana ay kala yihiin ;
1- Marka uu kursi rabo waxa uu la hadlaa caadifada dadka oo waxa uu ku odhanayaa waa markii reer hebel iyo waa markeenii isaga oo ka faaiideysanaya dareenada inagu xeeran iyo abtirsiga qabiilka.
2- Maalinta uu kursiga helo waxa uu ku odhanayaa aynu iska ilaalino qabyaalada iyo tafaraaruqa oo aynu wadajirka ka shaqeyno , waxii uu ku yimid na wax ka duwan ayey ahaayeen waxaa uu sheegayo.
Waxa aynu u baahanahay hogaamin siyaasadeed oo dadkeena nool iyo kuwa dalkani u dhalan doona u abuurta mustaqbal wanaagsan, horumar iyo waxqabad la taaban karo.
Uma baahnin hogaamin adiga oo aan dawladnimada wax adeeg ah ku qabin hadana dab ina sudha ama dantooda inooga faaiideysta .
Fursad wanaagsan ayaa maanta ina hortaalla oo kuwa joogana aan isaga badeli karno qaar ka wanaagsana aan ku keeni karno, kaliya waa marka aynu u fekerno si caadifad ka madhan ee aynu danteena iyo ta dalka u midowno.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
Fariin Ku Socota Dadka Jamhuuriyada Somaliland.