
Fahad Yaasiin iyo dhagarta Muqdisho taalla
Asalkaba anigu Fahad shaki weyn baan ka qabay in uu Shabaab ku xidhnaa, ilaa waqtigii uu Aljazeera u shaqaynayay.
Fahad imika wax uu ka sheekeeyay balaayooyin waaweyn oo dawladdii uu ka tirsanaa ku dhex jiray, ay ka mid tahay rag madax ah oo Shabaab u shaqeeya oo dadka laaya. Rag sida uu sheegay la is la og yahay oo falal waaweyn oo argagixiso iyo gumaad ah u geystay dadweyne iyo madaxba. Fahad umadda ka ma uu qaban dhagarqabayaashaa uu garanayo iyada oo ay shaqadiisa ahayd, sidaana wax uu ku noqonayaa dembiile weyn. Haddii uu xogtaa Farmaajo siiyay, wuuba siiyay sida uu sheegaye, iyaduna madaxweynaha wax ay ka dhigaysaa dembiile kale oo weyn. Fulaynimo ah in labadooduba ka baqeen qabashada raggaa argagixisada ah ee dawladda ku jira qudheeduna waa masiibo iyo fadeexad kale.
Adiga oo madax ka ah hay’adda amniga iyo sirdoonka qarankaaga, sidee baad u daawanaysaa rag ku la jooga oo argagixiso ah oo dadkaaga laynaya? Xaggee baad ka keentay sheekada ah "xildhibaan argagixiso ah oo shacbiga iyo madaxda gumaadaya la ma dacweyn karo oo xasaanad buu haystaa”? Sow taasi xoojin mayso tuhunkii ahaa Fahad qudhiisu in uu Shabaab u shaqeeyo? Ma la ga yaabaa labada dhinac ee is eedaynayaa in ay yihiin laba xaqdarro ku heshiisay xaqa ayay ku colloobaan? Sow rumayn mayso aragtida dadweynaha Soomaalidu qabo ee ah dadka dawladda sheeganaya iyo Shabaab waa is ku mid, waana sababta argagixisada loo ga adkaan waayay?
Fahad Yaasiin wax aan ku la talinayaa in uu joojiyo meeraysiga iyo wax baan qarinayaada oo runta oo dhan miiska soo saaro. Waa sida keliya ee uu ka ga baxsan karo eedda argagixisannimada, is la markaa ka ga gilgilan karo taariikh xumo aad iyo aad u culus oo qofnimadiisa ku hadhaysa. Soomaaliya maanta ma aha qaran buuxa oo quwado shisheeye ayaa gacanta ku haya, waana dhalanteed iyo been in ay jirto sir macno leh oo u qarsoon ama in Fahad qariyo u qalanta. Sirta keliya ee qarsoonaan karta ee Fahad hayaa waa isku dhex furanka maamulka dawladda iyo argagixisada, taas oo sida muuqata ah meesha sartu ka qudhuntay. Fahad haddii uu arrimahaa si faahfaahsan u soo bandhigo waxaa fududaanaysa; 1) in argagixisada la is ka celiyo, 2) in dhagarqabayaasha la shaqaysta la ogaado oo dadku ka la miirmo; 3) in arrinka Ikraan Tahliil meel la gu ogaado; iyo 3) in ay suurowdo in uu isagu dadweynaha ka helo garawshiinyo iyo taageero akhlaaqeed.
Haddii se uu dhagaro waaweyn oo uu og yahay qariyo, waxaa ka ratibmaya dembiyo ka sii waaweyn oo dushiisa ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- In qudhiisa loo aqoonsado in uu ka mid yahay masuuliyiinta argagixisada u shaqaysa.
-
In uu taarikhda ku galo masuulkii u gu xilgudasho liitay abid.
-
In uu taariikhda ku galo masuulkii u gu fulaysanaa ee gudashada xilkiisa ka baqay.
WQ:Ibraahim Hawd
Fahad Yaasiin iyo dhagarta Muqdisho taalla