
Magacyadda Guddiga rasmiga ah ee loo xilsaaray xal u helida khilaafka xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka
Kulankan oo daba socdey kulamo hore oo ka qabsoomay Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa ujeedadiisu waxay daarnayd sida ay xukuumaddu diyaarka ugu tahay in wada hadal arinkasta oo jira iyo in laga heshiiyo khilaafka sharci, iyada oo ay Golaha Guurtidu yihiin Hay’adda xaqa u leh ee shuruucda dalku u jidaysay in ay xaliso muranada sharci iyo kuwa Siyaasadeedba.
Hadaba Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu saaka shirkan isugu keenay xubnaha Golaha Guurtida ee geli doona xalinta Khilaafka sharci, kuwaasoo ka kooban 10 xubnood iyo qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo horey isu xilqaamay, iyaga oo labada dhinac iska arki doonaan sida hawluhu soconayaan, kulamada danbena waxay ka qabsoomayaan Hoolka Golaha Guurtida JSL.
Magacyada Xubnaha Golaha Guurtida
1- Xil. Suldaan Salebaan Suldaan Cabdiraxmaan
2-Xil. Siciid Cabdilaahi Yaasir
3-Xil. Caydiid Cabdi Maxamed
4-Xil. Salebaan Garas
5-Xil. Muuse Xaaji Cabdi
6-Xil. Sheikh Cabdiraxmaan Cumar
7-Xil. Cumar Nuur Waaye
8-Xil.Muuse Ibraahim Nuur
9-Xil. Maxamed Xareed Roob
10-Xil. Xasan Cumar Axmed
Madaxdhaqameedka
1-Sul. Maxamuud Guuleed Mire
2-Sul. Abuusufyaan Maxamed Muuse Nuur
3-Sul. Abshir Muxumed
4-Sul. Cismaan Baane
5-Sul.Maxamuud Xaaji Xuseen
6.Garaad jaamac Garaad Ismaacil
7.Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal
8- Caaqil Cabdiraxmaan Maxamuud Aadan
Magacyadda Guddiga rasmiga ah ee loo xilsaaray xal u helida khilaafka xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka